Maraykanka oo beeniyay in dadkii lagu diley weerarkii Bariire ay ahaayeen rayid

Dowladda Maraykanka ayaa beenisay in dad rayid ah lagu diley howlgalo laga fuliyay beer ku dhow deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose 25kii August ee sanadkan.
War rasmi ah oo ay Milatariga Maraykanka soo saareen ayaa lagu sheegay in dadka howlgalkaa lagu diley ay ahaayeen “Kuwo hubeysan oo cadow ah”.
Warbixin kooban oo ay soo saareen ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa  cinwaan loogaga dhigay “Qiimeynta Eedeymaha Dad Rayid Ah Oo La Diley 25kii August Oo La Soo Saaray.”
“Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada  Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow  hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta.
Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in kahor inta aysan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka kana howlgala Afrika si wadajir ah u fulin saaxibadood ay sameeyaan qorshe ballaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay howlgaladaa wax ku noqdaan.
Hase yeeshee dadkii lagu diley 25kii August sanadkan deegaanka Bariire xilli aroor hore ayaa baaritaano ay dowlada Soomaaliyeed sameeyeen waxaa lagu sheegay in dadkaas ay ahaayeen dad rayid ah isla markaana ay oggolaatay in dowlada ay ka bixiso magdhow.
Taliyihii ciidamada Xoogga dalka ee xilligaas General Cirfiid ayaa sidoo kale sheegay in dadka lagu diley Bariire ay ahaayeen dad rayid ah.
Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Dadkaasi ay ahaayeen Rayid islamarkaana ay ka bixineyso Magdhaw ayaa waxaan la ogeyn waxa Xilligaan ku so beegay Hadalka Dowladda Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.