Cabsi Saakay ka jirta Degaanka Ceel-cadde Ee Gobolka Hiiraan

Alshabab

Iyadoo Shalay ay la Wareegeen Dagaalameyaasha Al-shabaab Degaanka Ceel-Cadde Ee Gobolka Hiiraan ayaa Wararka naga soo gaaraya Degaankaas waxey sheegayaan in Saakay ay ka jirto Cabsi Xoog leh oo ay qabaan Dadka Rayidka ah ee ku sugan Degaanka Ceel-Cadde.
Cabsida ayaa timid ka dib markii Magaalada Banaankeeda ay isku Aruursadeen Maleeshiyo Degaanka ah oo doonaya in ay Dagaal uga saaraan Al-shabaab Degaanka Ceel-Cadde oo Shalay Shabaabku ay la Wareegeen.
Dadka Degaanka ayaa ka cabsi qaba in ay ku Dul dagaalamaan Al-shabaab iyo Maleeshiyada Degaanka ah,iyadoo Xaaladda ka jirta Saakay Degaanka uu yahay mid ka badalan sidii hore.
Al-shabaab ayaa Difaacyo ka sameystay Hareeraha Degaanka,waxaana sidoo kale Degaanka Ceel-Cadde ku sugan Maleeshiyaadkii ka soo horjeeday Shabaab ee Shalay laga qabsaday Degaankaas.
Maamulka Gobolka Hiiraan weli kama hadlin la Wareegidda Al-shabaab ay la Wareegeen Degaanka Ceel-Cadde kadib markii ay halkaas kula Dagaalameen Dad Shacab ah oo Taageero ka helaya Maleeshiyo Degaanka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.