Xaaladda Magaalada Boosaaso oo Maanta kacsan iyo Ganacsigii oo xiran

Waxaa xiran in badan oo kamid ah ganacsiga magaalada Bosaaaso, shirkadaha waaweyn ayaa  albabada u xirey xarumahoodi ganacsiga, sidaas si lamid ah waxaa sameeyey ganacsatada yaryar ee Suuqa weyn ee Boosaaso. Albaabada meheradaha ganacsiga waxaa horfadhiya shaqaalihii iyo mulkiilayaashii ganacsiga, markii la weydiiyo sababta ay ganacsiga u xireen ayey sheegayaan in ay tahay muranka ka taagan dekadda Bosaso darteed, iyo iyaga oo ka cabsi qaba in mudaaharaado dhacaan kuwaas oo sababi kara in ay  soo dhex galaan kuwo boob iyo dhac raadineysa.
In badan oo kamid ah magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo gaaf wareegaya, gaar ahaan dariiqyada muhimka ah. Rugta ganacsiga ee Puntland xarunteeda waxaa taagan ciidamada amaanka oo wata gaari nooca shabaqlaha ah, waxaa wararku sheegayaan in qaar kamid ah ganacsatadu ay ku jiraan xarunta rugta ganacsiga.
Doonyihii iyo maraakiibtii ku xirnaa dekadda Bosaso ayaa ka shiraacdey halkaas waxaana ay baroosinka dhigteen meel aan ka fogeyn dekadda.  Kiraalayaasha Doonyaha iyo qaar kamid ah ganacsatadu waxay diidan yihiin lacagta khidmadda dekadda ee la kordhiyey iyo weliba canshuurta sida ay sheegayaan, maamulka ayaa ku doodaya in dekadda Bosaso ay tahay midda ugu khidmadda yar marka loo eego dekadaha kale ee dalka ka jira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.