Muqtaar Roobow oo Magaalada xudur u tagay sidii uu uga qayb qadan lahaa Dagaalka Al-shaabab”Sawiro”

robow

Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool waxaa maanta gaaray Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo ahaan jirey ku-xigeenkii hogaamiyihii Xarakadda Al-shabaab oo dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaliya.

Waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sidoo kale waxaa Sheekh Mukhtaar safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan dowladda sida Xildhibaano, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale.

Muqtaar roobow ayaa waxuu magaalada xudur u tagay sidii uu uu uga qayb qaadan lahaa dagaalka lagula Jiro Alshabab waxaa muddooyinkii dambe jiray dadaalo dowladda Soomaaliya ay waday oo ku adanaa sidii uu Muqtaar roobow uga qeyb qaadan lahaa dagaalka ka dhanka Ah Al Shabaab.
muqtar

muqtar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.