Raggii Garasbaalay ku dilay Haweeney waayeel ah oo la qabtay

Guddoomiyaha Deegaanka Garasbaalay C/raxmaan Garyare ayaa sheegay in la soo qabtay rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxdii habeen hore Garasbaalay ku dishay Alle ha u naxariistee Siteey Maxamed Aadan 65 jir aheyd.
Guddoomiyaha ayaa Sheegay in Ciidamada amaanka ay soo qabtayn dhalinyaro gaarayo ilaa 2 qof oo looga shakisan yahay dilka Haweeneydaasi.
Habeen hore ayaa deegaanka Garasbaalay lagu dilay Siteey Maxamed Aadan oo 65 jir aheyd waxayna mar ka soo mid noqotay Ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.