Galmudug oo wado qorshihii ay ugu hortagi laheyd Shabaabka ku soo qul-qulaya deganada galmudug.

Wasiirka ku xigeenka Amniga ee Maamulka galmudug Mahad Xasan Maxamed oo la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa sheegay in Dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qul-qulayaan degaanada maamulka Galmudug.
Sidoo waxaa uu sheegay wasiirka in hada ay wadaan qorshihii looga hortagi lahaa dagaalmayaasha Al-Shabaab oo Soo gaalay deegaanada galmudug,islamarkaana uu sheegay in Dhibaato badan ay ku hayaan shacabka nool deegaanadaasi.
Wasiir Mahad ayaa waxaa uu tilmaamay in haatan heegan la geliayay ciidamo badan oo ka tirsan galmudug,si ay al-shabaab ugu saaraan degaanada maamulka galmudug,isagoona sheegay inay ka soo cararayaan duqeymaha ay diyaaradaha mareykanka ay ka fulinayaan degaanada Shabaabka ay joogaan.
Dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay haatan ka soo baxsanayaan duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha mareykanka,kaasi oo ay la bartilmaamaysanayeen saldhigyada Al-shabaab ay ku sugan yihiin oo ka tirsan qaar ka mid ah gobalada dalka,sida Shabeelaha hoose,Shabeelaha dhexe,Jubbada dhexe,gobalka bari iyo gobalada ay joogaan Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.