Golaha wasiirada hirshabelle oo la sheegay in 48 saac gudahooda lagu dhawaaqi doono.

-Wararka naga soo gaaraya magaalada jowhar ee gobalka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in madaxweynaha hirshabelle uu wado qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo  magacaabayo golaha wasiirada ee maamulkaasi.
Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim(Balcad)  oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamanka hirshabelle oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa sheegay in mudo 48 saac gudahooda la magacaabi doono golaha wasiirada maamulka Hirshabelle.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu xildhibaanada baarlamaanka hirshabelle uu kala tashaday sidii loo hormarin lahaa degaanada hirshabelle iyo magacaabista golaha wasiirada,isagoona tilmaamay in la dhisi doono gole wasiiro oo tayo leh.
Madaxweyne Maxamed Cabdi waare ayaa mudooyinkii dambe waday kulamo wadatashi ah uu la qaadanayay waxgaradka iyo xildhibaanada baarlamaanka hirshabelle,isagoona kala hadlayay sida ugu wanaagsan ee loogu soo dhisi karo golaha wasiirada,iyadoona la sheegay in xiligan taasi la isku afgartay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.