Al-Shabaab oo weeraray Ciidan ka tirsan Booliiska Kenya.

shabab

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Ciidan ka tirsan Booliska Dalka Kenya sida ay maanta baayihiin warbaahinta Kenya.
Al-shabaab ayaa wadada u galay kolonyo Gaadiid ah xilli ay socdaalayeen wadada xiriirisa deegaannada Wittu iyo Gamba oo ka wada tirsan Gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.
War ka soo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay Saddex Gaari oo ay wateen Ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada.
Booliska Kenya ayaa beeniyay jab xoog leh uu soo gaaray Ciidankii la wareeray.
Taliska Booliiska Lamu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin Wax khasaara ah oo weerarkaas ka soo gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.