Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar ku qaaday Warshadii Barafuunka

Xoogag Shabaab ka tirsan ayaa xalay fiidkii waxa ay weerar ku qaadeen dhismaha Warshadii hore ee Barafuunka Degmada Heliwaa, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada dowladda.

Weerarka ayaa ku bilowday markii qoriga loo yaqaan zabanka ay ku dhuften irida hore ee difaaca ciidanka, kadibna waxaa xigay rasaas toos ah oo ciidamada Shabaab ay ku fureen difaaca ciidanka.

Ciidamada dowladda ayaa dhankooda iska caabiyay weerarkaasi Shabaab ay ku soo qaadeen, waxaana la sheegay inuu halkaasi ka dhashay khasaare dhaawacyo ah oo ciidamada soo gaaray.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi, halka aanan la ogeyn Shabaab waxa soo gaaray.

Xoogaga Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah ee arbushaada ah waxa ay  ku soo qaadaan difaacyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.