Muwaadin Soomaaliyeed oo kasoo hor muuqday Maxkamad ku taalla Australia

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa kasoo hor muuqday Maxkamad ku taalla dalka Australia, waxaana lagu eedeeyay in uu wax ka oggaa Weerar Argagixiso  oo horraantii Sanadkaan ka dhacay Magaalada Melbone.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Cali ayaa lagu eedeeyay in uu qorsheeyay Weerarkaasi, islamarkaana uu ka qeyb ka ahaa raggii Abaabulay.

Weerarkii Horraantii Sanadkaan ka dhacay Australia ayaa waxaa ka dambeeyay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Yacquub Kheyre.

Ciidamada Ammaanka ayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu Magacaabo Ali ka qabtay Iridda Hore ee Maqaayadda Weerarka lagu qaaday.

Qareenka u doodaya Cali ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in uusan Cali aheyn Daacish ama Argagixiso, laakiin uu yahay nin dhalinyaro ah oo Magaalada ka shaqeysan jiray.

Muqaalka Cali ayaa soo Muuqday Asagoo ka xiray gacmaha oo laga soo dejinaayo Gaari ay leeyihiin ciidamada Booliska.

Booliska waxa ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in uu Mutaysto Xabsi Sanado ah hadii lagu helo kiiskaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.