Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka qeyb galaya Caleemasaarka M/weynaha Kenya

uhurro

Maanta oo Talaado ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda Wadanka Kenya waxaa ka dhaceysa Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyatta,waxaana ka qeyb galaya Caleemasaarka Madaxweynaha Wadanka Kenya Madax badan oo Afrikaan ah iyo Safiiro kala duwan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi la socda ayaa ka qeyb galaya Caleemasaarka Madaxweynaha Wadanka Kenya  Uhuru Kenyatta.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa ku soo baxay mar kale Doorashadii ku Celiska aheyd ee lagu qabtay Kenya,waxaana Doorashada ku Celiska ah qaadacay Xisbiga Mucaaradka ee uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Sidoo kale Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya waxaan Maanta ka qeyb galeyn Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga iyo Saaxiibadiis

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.