Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Madaxweynaha Jaziiradda Siishelis

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya yuusuf garaad Cumar oo Booqasho ku joogay Wadanka Siishelis ayaa la kulmay madaxweeynaha Dalkaasi Danny Faure waxaayna ka wada hadleen Xiriirka Labada dal ay Wadaan.

Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Siishelis waxaay Wada Hadalkooda Diiradda ku saareen  Amaanka Badda iyo Sidii la isaga kaashan lahaa burcad Badeedda Weeradda ka geysta Badweynta hindiya.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa bartiisa Bolooga kusoo qoray in Madaxweeynaha Siishelis uu u sheegay in Burcad Badeedda Soomaalidu ay Dhibaato u geeysteen Siishelis, Hase ahaatee aysan wax cuqdad qabin Dowladda iyo Shacabka Siishelis.

“Waxaan isla qirnay sida loogu baahan yahay in ay labada dowladood iska kaashadaan sugidda amniga dhanka Galbeed ee Badweynta India oo ah badda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Seychelles” ayuu Bartiisa Boloogga kusoo Daabacay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sooomaaliya yuusuf Cumar.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay kawada Hadleen Madaxda Siishelis Sidii Labadda Dal ay isaga kaashan lahaayeen Manfaca badda iyo dhaqaalaha Guud.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku jira Xabsiyadda Shiishelis oo a ka midyihiin kuwo Dhawaan badda Laga Qabtay ayuu Wasiir Yuusuf kala kala Hadlay madaxda Siishelis Siideeyntooda iyo sidii ay cadaalad u helilahaayeen kuwa aan Wali laxukumin.

“Waxaan xarunta Xeer Ilaalinta fadhi kula qaatay sii hayaha Xeer Ilaaliyaha Seychelles.  Waxaan ka wadahadalnay suurta-galnimada in Qareen Soomaaliyeed uu u doodo lixda eedeysane ee Soomaalida ah marka  dacwaddooda la qaadayo”  ayuu yiri Wasiir Garaad

Dowladda Soomaaliya ayaa Wada Dadaalo la doonayo in Dalkooda dib loogu soo celiyo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran Dalal ay ka mid yihiin Hindiya, Itoobiya iyo Siishelis

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.