R/Wasaare Khayre oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga,xilkiina ka qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta

Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Gaashandhigga kadib markii uu iska casilay xilka Wasaaraddaas Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga  umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla Wareegtadaasi xilkii looga qaaday Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.