Kulan soo dhaweeyn ah oo xubna kamid ah Aqalka Sare aay u sameeyeen wafdi Xildhibaana ah oo ka socday Jabuuti

Kullankan ayaa ahaa mid isbarasho ah waxaana wada-qaatay Wafdigii Xildhibaanadda ahaa ee ka socday Dalka Jabuuti iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Dalka iyagoona sidoo kale lagu soo dhaweeyey Magaaladda Muqdisho..

Waxaa Sanataradda Aqalka Sare ee Wafdiga Dowladda Jabuuti lakulmay Hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare iyadoo Dhanka Jamuuriyadda Jabuuti uu Hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas.

Cabdi Axmed Dhuxulow iyo   Axmed Xaashi oo kamidda Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Wafdiga ka socda  Dowladda Jabuuti siwaangsan loo soo dhaweeyey waxaana .

Waxaan si-heer sare ah u soo dhaweynay Wafdiga Xildhibaanadda ah ee nooga yimid Jamuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kuwaas oo ay inaga dhaxeeyso  xariir dhankasta ah runtii waxaan rabnaa in aad soo dhaweyn intaan kabadan u sameyno

Xildhibaan C/laahi Bilaal Kidaar iyo Xildhibaan Cumar Saciid oo inaya kamidd ah Baarlaamka Jabuuti oo sidoo kalena qeyb ka ah Wafdiga Jooga Muqdisho ayaa iyana dhankooda u mahadceliyey Mudanayaasha Aqalka Sare iyo Guud ahaan Dowladda Soomaaliya.

Waxaan u mahad celineynaa guud ahaan Dowladda Soomaaliya iyo qaabka ay noguula soo dhaweeyey Magaaladda Muqdisho runtii waxaan aragnay wax badan oo aanan fileyn taasna waxaa ay nasiisay kalsooni badan”

Sidoo kale Wafdiga ayaa Qadka Telfoonka kula hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare cabdi Xaashi C/laahi kaas oo xaalad Caafimad ugu maqan Dalka Turkiga waxaana ay allaah uga baryeen in uu Caafimad siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.