Booliska Somaaliya oo gacanta ku dhigay dad isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya(Sawirro).

Kadib howlgal ay xaafadaha degmada cabdi casiis ay ka sameeyeen ciidamo ka tirsan booliska soomaaliya ayaa waxaa ay gacanta ku soo dhigeen waxyaabaha maanka dooriyaha iyo dadkii isticmaalayay waxyaabahaasi.

Waxaana howlgalkan sameeyay ciidamo boolis ah oo sida gaar ah u tababaran,iyadoona dadkii isticmaalayay waxyaabahaasi maanka dooriyaha ay qabteen.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay Dadkan isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya oo ay soo qabteen ciidamada booliska ah ayaa  loo gudbin doono  hay’adaha garsoonka dalka,iyadoona sharciga la horgeyn doono,maadaama dadkan dhibaato ku hayaan amaanka guud ee dalka sida ay sheegen booliska.

Ciidamada Amaanka ee Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka,iyo sidoo kale in gacanta lagu soo qabto dadka inta badan aad u isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriyaha.

Horey Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo waxaa ay ka Sameeyeen xaafadaha Degmooyinka gobalka Banaadir,iyadoona sarakiisha Amaanka Dhowr jeer digniino ay u direen dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Halkan ka Daawo Sawirada:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.