Puntland oo Ciidamo dheeraad ah Geysay deegaanka Garacad ee G/Mudug.

Wararka naga soo gaarayo Xeebta deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug dhinaca Puntland ayaa sheegaya in maanta halkaas ay geysay Ciidamo dheeraad ah oo amaanka xaqiijiya kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in ay Shabaab ku soo wajahan yiihiin deegaankasi.
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ay geeyeen Ciidan iyo Gaadiidka Dagaalka goobaha ay ka jirto Cabsida dhinaca amniga ah si looga hortago Qatar kasta oo dhinaca amniga ah.
Al-shabaab ayaa Maamula Degmooyin ku yaalla Gobolada Mudug iyo Galgaduud,waxaana Degmooyinka ugu Muhiimsan kamida Degmada Xarardheere iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.