Qeyba ka mid ah Suuqa Magaalada Gaalkacyo oo xiran maalintii Saddexaad.+SAWIRO

Waxaa maalintii 3aad Xiran Qeyba ka mid ah Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug oo ay dhawaan ku dagaalamayn Ciidamo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Goobaha ganacsiga ee ku yaalla Aagii lagu dagaalamay “Cirtoogtaha” ayaa xiran, waxaana taagan xaalad cabsi ah oo ay qabaan Dadka magaalada oo ku aadan in xal laga gaari waayo Xiisadan, inkastoo ay socdaan dadaalo ay wadaan Ma’suuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Puntland.
Xubno ka tirsan Galmudug oo qeyb ka ah waan waanta ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in ay socdaan dadaalo xal lagu raadinayo balse ay jiraan Caqabado badan oo ku hor gudban.
Gaalkacyo ayaa ah magaalo mar walba marti u ah dagaal dhaxmara maleeshiyo ka soo kala jeedo Labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug waxaana dhaqan gali waayo heshiisyo badan ooh ore loo galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.