Daawo:Munasabad balaran oo lagu xusayo dhalashadii nabigeena suban (scw) ayaa waxaa qabtay Dusiga Iqra Caabudwaaq

Munasabad balaran oo lagu xusayo dhalashadii nabigeena suban (scw) oo ay soo agasimeen ardada iyo macaliminta dugsiga hoose dhexe iyo sare ee iqra ayaa lagu qabtay magalada cabudwaq.

Sanad walba bishan oo kale waxa laxusaa dhalashadii subanahena moxamed (scw) iyadoona looga dabal dago guud ahaan dunida islamka Munasabad si aad ah loo agasimay oo lagu mamusayo dhalashadii nabigeen Maxamed ahaa (scw) oo ay soo qaban qabiyen ardada iyo macaliminta dugsiga hoose dhexe iyo sare ee iqra ayaa manta kadhacday barxada weyn
ee iskuulka iqra.

Muna sabadan oo ahayd mid qurux badan ayaa waxa kazoo qayb galay walidiin culumo owdiin waxgarad iyo ardada iyo macaliminta Dugsiga iqra Waxa goobta ugu horeen kahadlay mamulaha ischoolka iqr eng  cabdi qadar isaq axmed isgoona ardada kula dardamay in nabigeen looga daydo dhaqan wanaaga Qar kamida ardayda schoolka ayaa goobta kusoo ban dhigay  nashidoyin
iyo qasa ido iyo qudbado kahadlaya dhalashada nabiga Qar kamida kaso qayb galayashi munasabada ayaa xusay inay haboontahay inay schooladu xusan dhalashada nabiga (scw).

Ugu danbeyn dambeyn waxa munasabada soo afmeray maxa waxbarshada dagmada cabudwaq xasan jinole wuxuna soo jediyay inay culumadu qayb kaqadato wacyigalinta iyo bararujinta ardada

Warbixintaan waxa Caabudwaaq kaSoo diray Wariye Mahad Bashiir Osman


cwcwcw

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.