Shiinaha oo 2 Milyan ugu deeqay Caruurta Soomaaliyeed

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa ku dhawaaqay in Dowladda Shiinaha ay Laba Milyan oo Dollar ugu deeqday caruurta Soomaaliyeed ee u baahan gar gaarka deg dega ah.

Danjire Qin Jian ayaa sheegay lacagtan ay ugu tala galeen caruurta Soomaaliyeed in ay u soo marsiiyeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF.

Munaasabadda lacagtan UNICEF loogu wareejinayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Cumar, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, iyo Wakiilka UNICEF Soomaaliya Steven Lauwerier.
Lacagtan Shiinaha uu ugu deeqay caruurta Soomaaliyeed ayaa waxaa si gaar ah gar gaar loogu fidin doonaa 15,000 oo caruur ah oo ku nool Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Xinhua.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa dhowaan soo saartay warbxin ay kaga hadlayso xaaladda nolaleed ee iminka ay ku sugan yihiin caruurta ku nool dalalka Soomaaliya, Yemen iyo South Sudan, kuwaasi oo ay ka jiraan xaalado adag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.