Shabaabkii Gaaray Degmada Matabaan oo xalay ka baxay

Guddoomiye ku xigeynka Degmada Matabaan Ducaale Aadan Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Al-Shabaabkii shalay iyo Habeen hore soo galay degmada Matabaan ay xalay ka baxeyn degmada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay shalay Shabaab soo galayn Tuulooyin gaaraya ilaa 4 tuulo markii ay u diyaar Garoobeyn Ciidanka Dowladdana ay Xalay ka baxeyn degmada waxa uuna sheegay in aysan Ogayn sababta ay Shabaab u soo galayn Matabaan.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Shabaab oo wata ilaa shan Gaadiidka Dagaalka ah ay ka baxeyn Matabaan oo ay ku sugnaayeen Saacadihii la soo dhaafay.

Lama oga sababta keentay in Shabaab ay galaan Tuulooyinka Buuraha ah ee ku yaala Matabaan balse wararka qaar ayaa sheegaya in Shabaab ay ka baxsanayaan Duqeymaha Maraykanka ee dhinaca Cirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.