Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho ku soo wajahan

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda uu soo gaaro wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa ka mid ah Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socda Dowladda Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda qaban qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanada iyo Guddoonka ay ka qeyb qaadanayaan soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay soo socoto Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa uu Xildhibaanada kula dardaarmay iney soo xaadiraan kulanka Sabtiga oo noqon doono sida Guddoomiye (Jawaari) uu sheegay kulan aan caadi ahayn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda, waxa uuna booqan doonaa Xarumaha ay ku shaqeeyaan labada Golle ee Baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.