Kheyrre oo Xaflad loogu qabtay M/Baydhabo ee Koonfur Galbeed

khayre

Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay Xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray Baydhabo.

Xafladda oo ka dhacday Madaxtooyada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xubno kale oo Koonfur Galbeed ka tirsan Waxaana ay aheyd soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha iyo Wafdigiisa.

Khayrre Baydhabo kula hadlay Shacab iyo Mas’uuliyiin waxa uuna ka dalbaday in Ciidanka amaanka lagala Shaqeeyo, sidoo kalane lala Shaqeeyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Khayrre ayaa maalmo ku sugnaan doono Baydhabo waxaana la sheegay in mudada uu halkaasi ku sugan yahay in uu la soo kulmi doono Saraakiisha Ciidanka Dowaldda Soomaaliya ee ku sugan Gobalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.