Dowlada Soomaliya oo ka hadashay Duqeyn lagu dilay Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay gobalka Bay.

C/raxmaan Cumar yariisoow Wasiirka warfaafinta ee Xukuumada Soomaaliya  ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la  beegsadeen  xero tababar ka fuliyey deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor  ee gobolka Baay.
Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi  lagu dilay  ku dhawaad  boqol dagaalyahano  oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.
“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa qoraalkan sidoo kale bartiisa facebook-ga ku daabacay.
Al-shabaab, ayaa wixii ka dambeeyey tan iyo markii dadka shacabka ah ay ku xasuuqeen qaraxii Ex Zope ay ka geeystaan, waxay  wajahayeen weeraro ka duwan kuwii hore ee kaga  imaan jiray  ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada dhanka howlgalada ka caawiya, waxaana jirto in deegaano badan  oo fadhi muhiim ah u ahaa hadda ay kasii carayaan, si ay uga baxsadaan hirka xoogga badan ee kusoo wajahan.
Xigasho:SONNA.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.