Wasiirka Amniga oo maanta labo hindise sharciyeed ka hor aqrinaya Xildhibaanada golaha Shacabka.

ducale

Hindise sharciyaadyada ladagaalanka argagaxisada iyo xakameynta hubka wax dilo oo ay diyaarisay wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya,islamarkaana golaha wasiiradana ay meel mariyeen ayaa maanta la horgeynayaa Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya oo kalfadhiga 2aad kulankiisii 32aad ku yeelanaayo xarunta ay ku shiraan ee Magaalada Muqdisho
Maxamed Abuukar Islow ducaale wasiirka wasaaradda Amniga Xukluumadda Soomaaliya  ayaa hortagayo Xildhibaanada waxaana uu ka hor aqrin doonaa labada sharci ee aan soo sheegnay oo kala ah sharciga Xakameynta Xubka Wax dilo iyo sidoo kale Sharciga Ladagaalanka Argagaxisada
Sharciyadaan ayaa golaha wsiirada Xukuumadda Soomaaliya markii ay ansixiyeen waxaa ay sheegeen in ay yihiin kuwa muhiima ismarkaana loo baahan yahay in golaha shacabku ay meel mariyaan Aqrinta 1aad Aqrinta 2aad iyo Aqrinta 3aad ka dib
Hindise sharciyeedka Xakameynta hubka wax dilo ayaa hadii la ansixiyo waxaa uu sahlayaa in aan magaalada lagu dhex qaadan hub aan sharciyeysneyn
Halka hindise sharciyeedka ladagaalanka Argagaxisa uu fududeynaayo in si cad loo beegsado shaqsiyaadka ka tirsan Arrgagaxisada .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.