Al-Shabaab oo beeniyay in Diyaaraha Mareykanka ay duqeymo ku dileen Dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

shabab

War ka soo saartay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu beeniyay  hadal ka soo yeeray Taliska Mareykanka ee Africa iyo dowladda Soomaaliya, kaasoo sheegaya in la duqeeyay xero Tababar oo Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Buur Ceelcadde oo hoostaga degmada diinsoor Gobolka Baay.
Cabdi Casiis Abuu Muscab  Afhayeenka Dhanka Howlgalada ayaa beeniyay in Xero Ciidan oo ay Al-Shabaab leeyihiin isla markaana Mareykanka uu Duqeeyey.
“Waa waxba kama jiraan warka ka soo yeeray Mareykanka ee ah inay duqeyn la beegsadeen Mucaskaraadka Mujaahidiinta, waa war aan sal iyo raad toona laheyn”ayuu yiri Abuu Muscab.
Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay Duqeymo ay la beegsadaan dagaalamayaasha Al-Shabaab eek u sugan qeybo ka mid ah gobalada dalka,iyadoona Shalay ay duqeymo ka fuliyeen Gobolka Bay, gaar ahaan Deegaanka Buur Ceelcade oo hoos taga Degmada Diinsoor.
Hayeeshee Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay Sheegtay in Al-Shabaab badan lagu dilay Duqeyn ay saaxibadooda mareykanka ka fuliyeen degaanka buur Ceelcadde oo hoostaga degmada diinsoor ee gobalka bay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.