Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka hirshabelle oo xalay hoygiisa bam-baanooyin lagu weeraray.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay bam gacmeed ku weerareen hoyga uu magaalada jowhar ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.
Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanka la weeraray ayaa magaciisa lagu sheegay maxamed bashiir Qaasim Daqari.
Wariyaheena Yuusuf Abuubakar Ibraahim ayaa waxaa uu soo sheegaya in Qaar ka mid ah qoyskiisa uu dhaawac ka soo gaaray weerarkii xalay lagu qaaday xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka hirshabelle,iyadoona la sheegay in dhaawac uu soo gaaray xaaska xildhibaanka iyo mid ka mid ah ilaalada xildhibaanka oo ku sugnaa guriga.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Dableydii weerarka ku soo qaaday xildhibaanka ay ka baxsadeen goobta,islamarkaana ilaa iyo hada aan gacanta lagu soo dhigin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.