Maxaa ka soo baxay Wada-hadalkii Ahlusunna iyo Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Magaalada Nairobi u tagay Wada hadal ay dhex dhexaad ka tahay IGAD oo dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.
Axmed Ducaale Madaxweynaha Galmudug ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Ahlusunna ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Wadanka Kenya waxey ku yeesheen Wada-hadal lagu Xalinayo Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna,waxaana Wada-hadalkaas Garwadeen ka aheyd Urur Gobolleedka IGAD.
Wararka ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna ay isku soo dhawaadeen islamarkaana Wada-hadalka dhexmaray uu ahaa mid la isla Afgartay Waxyaabo badan.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Wajiga Labaad ee Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlusunna uu ka dhici doono Wadanka Jabuuti Dabayaaqada Bishaan aan ku jirno.
Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna ayaa soo jiitamayay tan iyo markii la dhisay Maamulka Galmudug oo uu Madaxweynaha ka noqday C/kariin Xuseen Guuleed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.