Wasaarada Ciyaaraha iyo Xiriirka kubada Cagta oo beeniyay Warar lagu faafiyay Baraha bulshada.

Cabdi Qani Saciid Carab oo ah gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya oo maanta la hadlay saxaafada  ayaa beeniyay  wararka sheegayay in Soomaaliya aysan  ka qeyb gali doonin sanadkan tartanka bariga iyo bartamaha Africa  ee CECAFA oo lagu qabanayo dalka Kenya.
Cabdi qani Saciid Carab ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin  waxba ka jirin, Balse waxaa uu sheegay  in Soomaaliya ay xubin buuxda ay ka tahay wadamada ka qeyb galaya tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa.
Sidoo kale Waxaa iyana arintan ka hadashay wasiirka ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya khadiijo Maxamed diiriye waxaa ay sheegtay in warar been abuur ah lagu faafiyay baraha internetka,islamarkaana taasi aan loo dulqaadan doonin.
Waxaa ay ku baaqday in laga shaqeeyo hormarka ciyaaraha dalka,si bay tiri loogu gudbo dhibaatada ka jirta dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.