Daawo+Sawiro: Caabudwaaq Munaasabad lagu soo dhaweynayo Bilashada Bisha Mawliid ayaa Lagu qabtay Iskuulka Shire Jamac

Ardada Wax ka barata iskuulka Shire Jaamac ee degmada Caabudwaaq oo qabtay Munaasabad lagu soo dhaweynayo Bilashada Bisha Mawliid, Sanad walba marka ay tahay 12 ka Bisha Mawliid waxaa la xusayaa Dhalashadii Rasuulkeenii Suubanaa ee NABI MUXAMED (NNKH) hadaba Ardada Shira Jaamac ayaa qabtay maanta munaasabad ay ku soo dhaweynayaan bilshada bisha Mowliid waxaa ay ku qabteen gudaha Iskuulka Shire Jaamac.

Qaar kamid Ardada Dugsiga Shira jaamac oo ay wehliyaan macalimiinta ayaa ka soo jeediyay Munaasadaban qasaa’ido iyo Siirada rasuulkeena Muxamed (SCW)
Ugu dambayn Maamulaha isuulka Shire Jaamac Qaliif Cabdi Samad oo soo xiray Munaasabadan ayaa uga mahad ceshay Ardada soo dhaweynta ay u sameeyeen bilshada Bisha Mawliid iyo Dhalashada Nabigeenna Muxamed (SCW)

Warbixnitii Naftaada Nabadda Bar Caabudwaaq

cw

cw

cw

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.