Dhageyso+Sawiro:Munaasabad Xariga looga jarayay Shirkad NOMAD ayaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud.

cw

Munaasabad Xariga looga jarayay Shirkadda Jumladda Raashinka iyo Bagaasha #NOMAD ee Magaaladda Caabudwaaq Waxaana Munaasabaddaan ka qayb galay Gudoomiye kuxigeenka Degmada Caabudwaaq Muxiyadiin Cabdi Geelle,Odaasha dhaqanka,Ururada Hooyooyinka ,Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Maamulaha Shirkadda NOMAD ee Soomaaliya Axmed Cabdi Shaaciye oo ka hadlay Furitaanka ayaa sheegay in furitaanka Shirkadda ay u hirgaliyeen Bulshada Soomaaliyeed sidii ay u heli lahaayeen Badeeco Qiimo jaban Qaybihii kala duwanaa ee ka hadley Xaflada furitaanka Shirkadda NOMAD ayaa sheegay in soo dhaweenayaan Shirkaddaan Cusub oo waxkabadali doonta Qiimaha Badeecada deegaanka.
Ayaanle Cabdulaahi Jaamac ayaa warkaan ka soodiray Caabudwaaq.

cw

cw

cw

cw

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.