DHAGEYSO: RW ku-xigeenka oo ka warbixiyay kulamo uu la qaatay Madaxda Masar

Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada Fadaraalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar iyo wafdi ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arimaha dibada oo mudo Saddax cisho ku sugnaa magaalada Sharma sheikh halkaas oo ay uga qeyb galayeen shirka dhalinyarada caalamka ayaa ka warbixiyay shirii uu ka qeyb galay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada fedaraalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore u mahad celiyay safaaradda Soomaaliya ee Masar wuxuuna ka warbixiyay kulamadii uu la yeeshay madaxweynaha Masar C/fitaax Siisi iyo Ra’iisul wasaaraha Masar Sharif ismaaciil Maxamed intii uu ku sugna magaalada Sharma sheikh.

“Ugu horeyn waxaan rabaa inan munaasabadaan ugu faa’ideysto una mahad celiyo marka u horeysa safaarada Soomaaliya ee Qaahira safiir ku xigeenka ilyaas sheikh iyo mas’uuliyiinta kale ee safaarada oo runtii aad iyo aad ino soo dhaweeyay inta joognay Sharma sheikh, waxaan fursad u helay inan la kulmo Madaxweynaha Masar C/fitaax Siisi oo waqti dheer wada qaadanay, arrimaha Soomaaliya ayaa ka wada hadalnay sida labada dal ay isaga kaashan karaan oo gacmaha isku qabsan karaan, balamihii madaxweyne farmaajo iyo wafdigiisa markii ay Masar soo gaareyn u qaadeena uu diyaar u yahay inu fuliyo waxyaabo badan, inagu dabagalkeedu nagu xiran yihiin.” Ayuu yiri RW Ku xigeenka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib marku soo gaba gaboobay maalintii Khamiista shirkii dhalinyarada caalamka ee ka socday magaalada Sharma sheikh.

halkaan hoose ka dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.