Wasaaradaha Waxbarashada ee Dalalka Soomaaliya iyo Pakistan oo heshiis ka gaaray Arimaha waxbarashada.

wasiir

C/raxmaan Daahir Cismaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in ay heshiis waxbarasho la galeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dalka Bagistaan.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  oo dhawaan gaaray Dalka Pakistan  ayaa tilmaamay in socdaalka ay ku gaareen Pakistaan uu yahay mid lagu xoojinaayo Waxbarashada Dalka Soomaaliya.

Wasiir C/raxmaan  ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Tacliinta Sare ee Dalka Pakistaan ay ka go,an tahay Xoojinta Waxbarashada Soomaaliya isagoona in Soomaaliya ay ka faa,idaysanayso Taageerada Caalamka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay Dalka pakistaan uu balanqaaday inay sii wadi doonaan taagerada dheeraadka ah ay siin doonaan Dowlada federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.