Jabuuti oo Ciidamo u soo direysa Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay u soo direyso Ciidamo, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya Dagaalka Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula jiraan ururka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jabuuti General Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa sheegay Ciidamadan ay u soo dirayaan Soomaaliya in ay codsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay Ciidamadan in ay si gaar ah uga howlgeli doonaan magaalada Cadaado.

Qeybtan Shanaad ee Ciidamada Hiil Walaal ayaa waxa ay soo dhameysteen tababar mudo ay ku soo jireen, waxaana dhowaan ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhowaan booqasho ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya, oo uu kala soo hadlay sidii garab looga siin lahaa Dagaalka Dowladda ay kula jirto Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.