Ciidamada Amaanka Somaliland oo Xabsi Dhigay rag lala Xiriirinayo in Falal Amni Daro ay ka geystaan Deegaanada Somaliland

Wararka naga soo gaaraya magaalada hargeysa ee maamulka soomaaliland ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka ay gacanta ku dhigeen rag la sheegay inay falal amni daro ay ka geysamn rabeen inta lagu gudaha jiro doorashada madaxtinimada ee Maamulka Soomaaliland.
Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa  ay qabteen ku dhaawaad 7 qof oo la sheegay inay qorsheynayeen inay falal amaan daro ay ka fuliyaan deegaanada Maamulka Soomaaliland,islamarkaana waxaa ay xabsiga u taxaabeen dadkaasi la qabtay.
Sidoo kale ciidamada ayaa waxaa ay gudaha suuqa magaalada hargeysa ay ku qabteen 2 labo nin oo la sheegay inay wateen hub,islamarkaana waxaa la tilmaamay inay xiriir la lahaayeen 7 Qof ay qabteen Ciidamada.
Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliland ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in ciidamada Amaanka Soomaaliland ay qadkeeyeen amaanka guud ee deegaanada Maamulka Soomaaliland,iyagoona ka cabsi qabo in weeraro ay ka dhacaan deegaanada maamulkaasi,inta lagu gudaha jiro doorashada.
Deegaanada Soomaaliland ayaa haatan waxaa laga dareemayaaa Diyaar garow ku aadan doorashada Madaxtibnimada Soomaaliland,maadaama ololaha doorashada meeshii ay ugu dambeysay ay marayso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.