AMISOM oo ka hadashay wararka sheegaya in cabsi ay ka taagan Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho-RisaalaFM- AMISOM ayaa waxa ay ka hadashay wararka sheegaya in hakad uu ku yimid shaqada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo guud ahaan Xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee AMISOM, kadib weeraro looga baqayo in ay kaga yimaadaan dhanka Shabaab.

Warbaahinta qaar ee dalka ayaa shalay baahiyay in laba ka mid ah Gaadiidka Ciidanka AMISOM oo horay Shabaab ugu qabsadeen dagaal la qorsheynayo in lagu weeraro Garoonka Aadan Cadde iyo xarunta Xalane.

Afhayeenka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Wilson oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Al-shabaab aysan soo weerari Karin Garoonka Aadan Cadde, ammaanka Garoonka iyo xarunta Xalane-na ay yihiin kuwo la isku haleyn karo.

Wuxuu kaloo sheegay weli in uusan maqlin wararka sheegaya in cabsi ay ka taagan tahay Garoonka Aadan Cadde, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Diyaaradaha Garoonka ay si caadi ah u shaqeynayaan,hadana aysan taagneyn wax amni daro ah.

“Maya Al-shabaab ma soo weerari karaan Garoonka Diyaaradaha xarunta AMISOM, ammaanka Garoonka wuxuu yahay mid la isku haleyn karo, Diyaaradaha kuwa imaanayay iyo kuwa duulyay si caadi ah ayay u shaqeynayaan, mida kale anaga weli nama aysan soo gaarin wararka sheegaya in Shabaab ay Garoonka ku soo weerarayaan Gawaari AMISOM ay leedahay.” Ayuu yiri Wilson.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka AMISOM Wilson ayaan weydiinay halka ay marayaan Howlgalada Ciidanka AMISOM ay kula dagaalamayaan ururka Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay howlagalada ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM  in ay marayaan meel wanaagsan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.