Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Hodan

Faafaahin  ayaa ka soo baxaya qaraxii gaariga ee ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana gaarigaasi watay ruux ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Ninka watay gaariga ayaa magaciisa lagu soo koobay Xersi, isaga oo dhaawac ah ayaana laga qaaday goobta, waxaana uu ka dhaawacmay qaybaha hoose ee jirka.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxan waxa ay sheegeen inay ka dambeeyeen iyaga oo gaariga qaraxa ay ugu xireen Sarkaalkaasi ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Waxa ay sheegteen Shabaab isaga oo dhaawac aad u liita ah in goobtaasi laga qaaday ninka ay beegsadeen ee Xersi.

Ciidamada ammaanka oo tagay goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan, Saraakiisha waxa ay sheegeen qaraxa inuu ahaa noociisa midka loo yaqaan dhajiska ee Baabuurta hoostooda lagu xiro.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka jirin falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Magaalada ka dhacaayay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.