QM oo ku baaqday in wax laga qabto falalka Burcad-badeeda Soomaalida

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in jawaab falcelin ah laga bixiyo falalka burcad-badeednimada iyo dhaca hubaysan ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qaraarkan qaatay Talaadadii shaley aheyd ayaa ku baaqay in si buuxda wax looga qabto lana joojiyo falalka noocaas ah.

Golaha 15-ka xubnood ee QM ayaa sidoo kale ku boorriyay mas’uuliyiinta Soomaalida, in ay sii wadaan ballaarinta Maraakiibta la dagaallanka burcad-badeednimada iyo shuruucda Badda, si loo abuuro ciidammo amniga oo leh kaalin cad oo ay ku xukumaan fulinta sharciyadan.

Golaha wuxuu sidoo kale ammaanay dadaalka Ciidamada Badda ee Midawga Yurub (EUNAVFOR) Hawlgalka ATALANTA, dadaalada lagula dagaallamayo burcad-badeednimada ee Midowga Afrika iyo dhaqdhaqaaqa badda ee Koonfurta Afrika ee Horumarinta, iyo sidoo kale dadaalada ay wadaan dowladaha kale.

Guddiga Siyaasadda iyo Amaanka Midowga Yurub ayaa 27-kii October Taliye cusub u magacaabay howlgalka ka dhanka ah Burcad Badeeda Soomaaliya ee Atlaanta, kaasi oo lagu magacaao Major General Charlie Stickland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.