Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmi doona Xildhibaanadii Xilka ka qaaday M/weyne Xaaf

Warar uu helayo gedo times  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu Kulan la qaadan doono Xildhibaanadii sheegay in ay Xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Xildhibaanadaas oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xildhibaanada uu kala hadli doono Madaxweynaha Soomaaliya sidii loo xalinlahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxda Galmudug ee Sababtiisa ay la haayeen Xildhibaanadii sheegay in ay Xilka ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle Xaaf 26-September Ee Sanadkaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhaxda u xirtay Xalinta Khilaafka Madaxda Galmudug ka dhex jira ayaa horay si gaar gaar ah kula kulmay Madaxweynaha Galmudug,Madaxweyne Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi si xal looga gaaro Khilaafka ka dhex jira Madaxda Maamulkaasi.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo uu la qaadan doono Xildhibaanada Galmudug garabkii sheegay in ay Xilka ka Xayuubiyeen Madaxweyne Xaaf ayaa dhici doona Galabta ama Berri midkood.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Xaqiijiyay  inuu jiro Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya uu la qaadan doono Xildhibaanadii sheegay in ay Xilka ka tuureen Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Hayeeshee waxaan la ogeyn sida uu ku dhamaan karo Khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug oo Xalkiisa ay wato Madaxtooyada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.