Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Hal Milyan ay ugu deeqeen Guddiga Gurmadka Musiibadii ka dhacday Zoobe

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka banaadir ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay Guddiga Gurmadka Musiibadii ka dhacday Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho Bishii la soo dhaafay ee October  ay ugu deeqeen lacag dhan 1 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah si loogu Caawiyo dadkii Musiibadu ay ku dhacday ee waayay Naf iyo Maal intaba.

Munaasabadda Xalay waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Madaxweyneyaasha Puntland iyo Koofur Galbeed,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddiga Gurmadka Musiibadii ka dhacday Isgoyska Zoobe 14-kii Bishii October ee la soo dhaafay.

Xasan Cali Kheyrre Wasiirka Kowaad ee Xukumadda Soomaaliya ayaa xusay in Berri oo Khamiis ah ay Akoonka Guddiga Gurmadka Deg dega ah ee Musiibadii ka dhacday Isgoyska Zoobe lagu soo ridi doono  si loo gaarsiiyo Dhibaneyaasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.