Kenya oo sheegtay in Al-shabaab ay dileen 12 Askari oo ka mida Ciidamada Kenya

Ugu yaraan 12 Askari oo booliska Kenya  ka tirsan ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay weerar ay ku qaaden Al-shabaab xadka ay wadaagan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Askartaan la dilay ayaa Galbinaysay Gawaari ay la socdeen samafalayaal.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalamayashii Al-shababa ee soo weeraray balse looga dilay 12 Askari.

Sargaal u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay Amaanka xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya si aysan u soo noqon weerarada joogtada ah ay Al-shabab ka soo qaadayaan dhinaca xadka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay Soomaaliya sanadkii 2011kii kuwaasi oo qeyb ka noqday howlgalka AMISOM ee dagaalka Al-shabaab balse wixii waqtigaasi ka danbeeyay waxaa ku socotay weeraro joogta ah oo ay Al-shabaab ku qaadayeen gudaha Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.