Ajaanib ku biiri lahaa Al-shabaab oo lagu qabtay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Ciidanka la dagaalanka Argaggixisada ayaa Gacanta kusoo dhigay laba qof oo la sheegay inay yihiin muwadiniin Tanzanian ah kuwaasi oo ay booliska tilmaamen inay wadeen isku day ay ugu soo safrayaan Soomaaliya si ay Al-shabaab ugu soo biiraan.

Taliyaha booliska degaanka  Isiolo Charles Ontita ayaa sheegay in Ajaanibtaan ay kasoo qabteen iyagoo ku socday wadada dheer u dhaxeysa degaanada Moyale iyo Garba Tula.

Charles Ontita ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadoodi halkaasi ay ka wadeen howlgal ay ku baarayeen basaska ka yimaada Nairobi ee Moyale sii aada ayna dadkaan ka heleen iyagoo aanan wadin wax warqado dal ku galis ah.

Labadani qof ayaa lagu kala magacaba Omar Mwalimu Kasambe oo lagu naaneeso Juma Abbas Zuberi (28) iyo Ali Juma Kaondo (17).

booliska ayaa labadaani qof ku haya su’aal weydiin waxa ay ku saabsan sida ay ula xiriireen Al-shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.