Faah-Faahin:- Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose

Warar dheeraad ayaa  ka soo baxaya Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu dilay inta u dhexeya Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn oo ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Kooxo maleeshiyaad ah ayaa waxaa la sheegay in ay Rasaas ku fureen Gaari BL- ah oo saarnaayeen askartan ka Tirsan Ciidanka Dowlada iyo dadka Shacab ah sida ay sheegeen Dadka Deegaanka oo ku sugan  Gobalkaasi.

Mid ka mid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in 3 Askari iyo hal qof oo shacab ah lagu dilay wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo  Walaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose kadib markii Rasaas ay ku fureen Koox Burcad ah gaari ay la socdeen.

Degaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay kooxo burcad oo dadka shacabka ah ku dhibaateeya Gobalkaasi.

Hayeeshee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo safar ku tagay Gobalka Shabeelaha hoose  Bishii may ee Sanadkaan ayaa  sheegay in Kooxaha isbaarada dhigta ay ula Dagaalami doonaan si la mida Al-shabaab,inkastoo weli ay jirto Dhibaatadaasi ay wadaan maleeshiyaadka Isbaarada Dhigta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.