Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay Xaaladda dagaal oo ay galeyso Soomaaliya

Wakaalada wararka Qaranka ee dalka Qatar “Qana” ayaa baahisay in Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Cabdullahi Bin Nasir Aala Thani uu kulan kula qaatay Magaalada Doxa wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow oo booqanaya wadankaasi.

Wakaalada ayaa shaaca ka qaaday in labada masuul ay isla qaateen xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu u baahan yahay in gacan weyn laga siiyo dhinacyada amaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Inkastoo labada masuul ay diirada saaren qadiyo dhowr ah oo dhinaca gobolka iyo mid caalami ah hadana si xoogan ayay uga doodeen qaabka loo wajahayao amniga iyo xasilooni kusoo dabaalida Soomaaliya.

Saraakiil diiday in magacooda warbaahinta loo adeegsado kuna dhawaa wada hadalada ay qaaten Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar iyo Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa sheegay in Qatar ay muujisay sida ay diyaar ugu tahay in Soomaaliya ay ka caawiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa wadamada saaxiibada la ah waxa ay ka raadinayaan taagero calami ah oo lagu gacan siiyo dhinac dhaqaale ama saanadba howlgal bartimihii bishii October uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.