Wax ka ogow Magacyada dadkii shacabka ahaa ee dhaqtar caafimaad u socday oo Cadaado lagu Afduubtay

Maleeshiyadii Hubaysanayd ee saaka dhacay Gaariga ayaa Gedotimes waxaay la xariirtay qaar kamid ah dadkii lagu aftuubtay gaariga ay dhaceen maleeshiyada jid galka ka samaysay inta u dhaxaysa Degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq.

Gaariga la dhacay Waa NOOHO waxaa uu siday Rakaab gaaraya 6. Ruux oo kala ahaa 4. Rag iyo iyo 2 dumar ah

Waxayna kala yihiin

1- Cabdinaasir Cagaweyne oo ka tirsan Masuuliyiinta Wasaaraa Waxbarashada Galmudug.

2- Hooyadiis oo uu u waday isbitaal Garawe ah

3- Walaashiis oo la waday maamada xanuunsan oo ay Cabdinaasir walaalo yihiin.

4- Wiil ina Cabdinaasir ah oo isna Caafimaad loo waday

AFARTAAS WAA RUUX WAA HAL QOYS

5- Xasan Dool Dafar oo ah Nabadoon Xanuunsan oo xaalad caafimaad ugu socday Garawe.

6- Maxamed Cilmi Siyaad oo ah kal kaaliye Caafinaad oo la dhaqeeya dhaqtarka indhaha ee Garawe.

7- Dhagawayne Huruuse Xalane oo isna laga dhex qabsaday Gudaha Magaalada Cadaado.

Dhamaan dadkaas hada waxaa lagu hayaaa isku guri ku yaala Degmada Cadaado waxaana kooxaha haysta ay u sheegeen in aan waxba loo dhimi doonin waxaana ay u ogolaadeen in ay la hadlaan eheladooda si ay ugu sheegaan inay bad qabaan.

Waxa kalo ay ku wargaliyeen in ay fasax yihiin labada dumarka ah iyo wiilka yar kuwa kale iyo gaarigana ay hayn doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.