Baarlamaanka Puntland oo amar ka soo saaray Doorashada Somaliland

Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Garowe Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayay kaga horyimaadeen in xuduudaha maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashadda maamulka Somaliland.

Xildhibaanada ayaa soo saaray Go’aamo mamnuucaya in doorashadda Somaliland ay soo gaarto degaanada maamulka Puntland iyo qeybo ka mid ah degaanada lagu muransan yahay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo markuu kulanku soo dhamaaday la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in xukuumadda laga doonaayo in ay ilaaliso xuduudaha maamulka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.