Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay Roob ka da’ay Muqdisho

Iyadoo habeenadii la soo dhaafay Kuleel daran ka jiray Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka bilaawday roob ay ku diirsadeyn dadka ku nool magaalada.

Inkastoo baahi badan loo qabay raxmadda EEEBE ayaa hadane waxaa ka dhashay khasaaro soo gaaray dad danyar ah oo ku noolaa Xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 5 qof oo u badan Caruur iyo dad waayeelo ah ayaa u geeriyooday roobkii xalay saq dhexe ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Dad geeriyooday oo u badnaa caruur ayaa ku noolaa Guryo kq sameysan Kartooman Baco iyo Maryo la isku xir xiray kuwaas oo aan udul qaadan karin dhibicda Roobka.

Si Guud magaalada Muqdisho Mudooyinkaan kuleel badan ka jiray ayaa saakay laga dareemayaa raxmadda EEBE.

Roobka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay wadooyin muhiim ah oo Gaadiidla Isticmaali jiray kadib markii ay biyo Xireyn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.