In kabadan 90 Xildhibaan oo Saxiixday Mooshin Xil ka qaadis ah

Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana lagu wadaa in ay Gudbiyaan maalmaha soo socda ay Idaacadda kulmiye u sheegeyn.

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas ee Saxiixay Mooshinka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay mooshinka ku wareejin doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Islamarkaana ay xilka ka qaadi doonaan Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sameestay Labo Kutlad oo iska soo horjeedo kuwaas oo kala ah Golaha Badbaado K/Galbeed oo ay la baxeyn Xildhibaanada Mucaaradka iyo Golaha Midnimada K/Galbeed oo ay sameestayn Xubno taageersan Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka Siyaasadeed ee ka dhax taagan Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.