Xildhibaan ka Tirsan Koofur galbeed oo ka soo horjeestay mooshin laga keenay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh aadan

Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Black) oo katirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu ka soo horjeestay xildhibaani sheegay in mooshin ay ka Diyaariyeen Madaxweynaha Maamulka Koorfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,kaasi oo la doonayo in xilka loogu qaado madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa uu Tilmaamay In Xiligan aysan wanaagsaneed in mooshin lagu bur-burinayo Dhismaha Dowlad Gobaleedka koofur galbeed ay keenaan Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas.

Waxaa uu ku taliyay in si daacad ah loogu shaqeeyo shacabka ku nool deegaanada koofur galbeed u sheegay in dhibaato badan xiligan ay heysto Dadka,taasi oo ah in deegaano badan ay go’doosanyihiin kuwa kalana ay dagaalbeed uu ka jiro.

Xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey waxa ay u sheegeen in diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen inuu gabay shaqadiisa sida ay hadalka u dhigeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.