Howlgalo xalay laga sameeyay Magaalada Boosaaso,kadib qarax ka dhacay Magaaladaas

Qarax inta badan laga maqlay Magaalada Boosaaso, ayaa xalay ka dhacay Dhabarka Dambe ee Amal Bank, gaar ahaan wadada Masjidka Rowda, waxaana Xiligaasi wadada isticmaalayay Dad fara badan oo kasoo baxay Salaadii Cishe.
Qaraxa kadib ayaa Goobta waxaa waxaa soo gaaray Ciidamadio ka tirsan kuwa amaanka Puntland, ayagoona ku guuleystay fashilinta qaraxaasi isaga oo aan wax qasaaro ah geysan.
Saraakiil katirsan Ciidamada amaanka Puntland ee ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid ay Ciidamada Amaanka ciidamada amaanka ku soo war geliyeen dad shacab ah, iyagoona goobta ku qarxiyey sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka puntland ayaa qaraxa ka dib sameeyay howgalo ay ku soo qab qabteen dhalinyaro ay ka shakisanyihiin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.