Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo Maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Sida ay Sheegayaan Wararka Waxaa Saakay Xildhibaanada Golaha Shacabka hortagi doono Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle.

Ajendaha kulanka ayaa ah in wasiirka maaliyada laga dhageysto miisaaniyada sanadkan ay ku shaqeyn doonto dowlada ,maadaama kol sii horeysay Wasaarada Maaliyada ay sheegtay in daqli badan uu soo galo dowlada Soomaliya.

Wararka ayaa Sheegaya in Xildhibaanada  la horgeynaya maanta Hindise sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya  Ayaa Maanta waxaa la filayaa in Golaha shacabka uu  faahfaahin ka siin doono Nidaamka loo maray miisaaniyada iyo Hormarka ay wasaarada maaliyada ka gaartay Dhaqaalaha ay ka soo xareyso dekeda iyo garoonka muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.